S00MAALI

Darraasadda Xubinnimada 2014 ee Ururka SEIU

Sannad walba Hoggaanka Kulanka Ururka ee Maajo 10, ururkeenna ayaa dejiya himmilooyinkooda iyo miisaaniyad ku salaysan waxyaabaha xubnuhu ay u doortaan mudnaan siin. Fikraddaada ka dhiibo, adigoo soo dhammaystirya darraasaddan, ugana qayb qaadanaya doodaha goobtaada shaqo ama kulammada guud ee xubnaha.    

Did you like this? Share it:
Leave a comment

Daah Furka aayaha danebe ee MN Qodobada aan soo jeediney in aan kula gor gortano Union Contractiyad.

 

In kabadan 7000 oo shaqaale ah oo ka shaqeeya meelo kala duwan oo kala ah ,Nadaafada ,waardiyayaal ,Nadiifiya diyaaradaha iyo waliba dukaanada waa waaweyn ayaa waxa ay isu geeyeen awoodoodii si ay shaqooyinka ay ka shaqeeyaan ay u helaan xuquuqda ay xaga uleeyihiin. kaliya mahan wax naftooda kaliya ay u raadinayaan ee waxa ay u doodayaan dhamaan dadka dulman ee shaqaalaha ah ku waas oo wajiga dhabta ah ee dhaqaalaha ku waas oo ay ku qasbaan dadka tirada yar ee loo yahaan 1%   Badan keenu waxaan bilaabi doonaa in aan kala gorgortano 1% nagu qasba shaqada .  waa aan iska hor wareejin doonaa 1% nagu haya gaajada waxaana iska furi doonaa albaabada xiran waxaana ufuri doonaa dhamaan reer MN.  kuwo badan oo naga mid ah waxay bilaabi doonaan in ay gorgortan saneeyaan usbuuc yadda nagu soo aadan .   waxaana diyaarin doonaa anagoo qiimeyneyna sida uu uga soo qaybgaley shirarka xubin nimada Waxaana diyaariney liiska biyo kama dhibcaanka ah ee aan ku gorgortameyno .liiskaas oo ah sidan hoos ku xusan.

 

1) Mushaarka qooysaskeena ka saaraya faqriga.

- Mushaar wax tar uleh qoyskeena

- Horumarinta fasaxyada iyo waliba ciidaha

-Xaqiijinta in bareega lacagtiisa nala siiyo

- In la ilaashado sharafta iyo karaamada,lana kaydsado gunooyinka ay ka mid tahay

caymiska nolosha,

-In la urursado dhaqaale lagu waardiyeeyo masaakiinta, lacagaha sharci darada ah lasiiyo iyo waliba saacadaha laga xado oo ay sameeyaan shirkadaha waa weyn

-In shaqaalaha ay helaan lacag celin goobaha ay baabuurta dhigtaan,

-In lacagahooda si toos ah loogu rido bangiyadooda lagana bixiyo jeegaga ku soonoqda

ganaaxooda,

-In ay helaan lacag dheeraad ah maka ay shaqeeyaan 8 saac wixii ka badan maalintii.

 

2) caafimaad wanaagsan oo la awoodi karo.

-waxaan ubaahanahay kar caafimaad oo inoo dabooli kara caafimaadkeena guud sida

ilkaha iyo waliba indhaha kaa soo aan nooga tageyn dhaqaale badan oo aanaan iska bixin

karin,

-Caafimaad i noo daweynkara kali ahaanteen iyo waliba qooskeena oo dhan,

-In aan helno maalmo jiro ku maqnaanso sanad walba.

-In aan helno shaqo gab gaaban oo lagu bixinayo ⅔rd musaarkeena oo ay waliba ku jirto hooyada uurka leh fasax ugaar ah.

3) Shaqo joogta ah, aamina ah.

-Dhamaan shirkadaha aan u shaqeyno waa in ay bixiyaan shaqo buuxda (Full Time)

-Waa in aan helnaa awood na difaacda si aan loo lumin shaqada si fudud marka ay shikada badaleyso sharciyadeeda.

-Waa in aan helnaa difaac marka shaqada nala ka badsho oo naloo diro shaqo badan.

-Tababar fiican iyo qalabfiican waa in aan ku shaqeynaa si uu san dhib noo soogaarin.

-Waa in aan helnaa dhaqaale lagu kobcinayo aqoonteena,

-Waa in ay cadahay waxa uu sakuritigu qabanayo iyo sida ay u kala horeeyaan.

-Waa in la difaacaa shaqaalaha aan joogtada ahayn shaqadooda.

-Waa in layareeyaa qofku inta uu shaqada ka maqnaan karo lagana dhibaa 30 Maalmood

-In la xoojiyo soo kala horeynta shaqooyinka, sidoo kalana katagida shaqa

4) Waa in uu ururkeeno yeeshaa cod awood leh.(union)

-Waa in la sameeyaa nidaam dhaq sana ah cadaaladna ah oo lagu caawiyo dhibanaha.

-Waa in dhaqaalo lagu bixiyaa tababarada iyo wacyi galinta la siinayo shaqaalaha cusub

-Waa inay cad yihiin heshiisyada lala galayo iyo luqada lagu qorayo lana fahmaa

warbixinta.

5) kacdoon lagu horumarinayo bulshadeena

-Madax iyo sharciyo qiimeynaya kala duwanaashaheena.

-waa in aan ladagaalanaa caqabadaha hor istaagaya shaqaaleenta dhalinteena,

-Yarenta dhabaatooyinka deegaanka ay u geysanayaan shirkadaheena

-Waa in aan la xisaabtanaa 1% si uu u soo noqdo dhaqaalaheena.

 

Waa Waqtigii 1% ay sameyn lahaayeen cadaalada dhinacooda,

 

Ku guuleysashada ajandayaasheena ku aadan dadkeena shaqooyinka hoose qabta waxaan abuuri doonaa shirkado gaar loo leeyahay oo ku shuba dhaqaalo dhan !100 Million Sanadkiiba xaafadwalba oo dhib ka soo gaarey dhaqaalo xumadii ka soo gaartey Minnesota.

Waa markii shaqaalaha hoose iyo 1% ay sameyn lahaayeen in ay albaabada furaan.

Find us at seiu26.org on www.facebook.com/seiu26   twitter @seiu26

or call 1-855-26LOCAL, or visit our union hall at 706 1st Street North, Mpls

Did you like this? Share it:
Leave a comment

Fahmida xaquuqdena iyo awoodeena

Fahmida xaquuqdeena iyo awoodeena 

Did you like this? Share it:
Leave a comment

Dulmar loo diyaariyey Nadiifiyayasha

Dulmar loo diyaariyey Nadiifiyayasha

Did you like this? Share it:
Leave a comment